U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shir Gudoomin Doona Kulan Ay Isugu Imaanayaan Madaxda Ciidamada Ay Ka Joogaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sanadkani looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay horumarinta adeegyada bulshada ee Qaaradda Afrika

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga hadlayo waxaa ka mid ah hiigsiga 2063 ee horumarinta haweenka Afrika, nabadgelyada, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha , maalgashiga iyo horumarinta adeegyada bulshada ee qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa isla goobta uu shirkan ka dhacayo uu maanta ku guddoomin doona shir gaar ah oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammadooda ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta kulan kula yeeshay xarunta uu ka dhacayo shirka Midowga Afrika ee Sandton, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson.

Goobjoog News