Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Shariif Xasan, kuna bogaadiyay in la saxo wixii ka dhiman dhameystirka Koonfur Galbeed

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxwaynaha Soomaaliya

Copenhagen 19 November 2014 – Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu soo dhaweeyayaa dhismaha maamulka dawlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Wuxuu hambalyo iyo bogaaadin u diraayaa Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aden.

Madaweynaha JFS wuxuu kale oo uu ku talinayaa in la saxo wixii ka dhimman dhammeytirka sameynta maamulkaas, wuxuu Soomaalida deggan Koofur Galbeed ku bogaadinayaa in ay masiirkooda ka tashaadaan iyaga oo ilaalinaaya xaquuqda dhammaan dadka degaankaas ka soo jeeda iyo in laga wada hadlo habka ka wadaqeyb galka iyo in ay sii wadaan isla tashiga si loo saxo wixii cabasho ah ee ka jira habraaca dhammeystirka maamaulka Koofur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deggan Koofur Galbeed guusha billowga ah ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.

DHAMAAD

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW