U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ugu Baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub In Xukuumadda Uu Soo Dhisayo Kaalin Ka Siiyo Dumarka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xasan SheekhMadaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cumar in Haweenka uu kaalin wanaagsan ka siiyo xukuumada la filayo in dhawaan uu soo dhiso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu kula dar daarmayo in gabdhaha Soomaaliyeed qeyb laga siiyo xukuumada cusub ee isaga oo tilmaamay in haweenka ay horay baaqaasi usoo jeediyeen.

“Waxaan ku dar daarmayaa, Ra’iisul wasaare in gabdhihii ay dhawaaqeen codkoodii kor ayeey u qaadeen, waxaana ay ku dhawaaqeen in hogaanka iyo talada dalka Qeyb weyn ay ku lahaadaan, waana rajeynaynaa in xukuumada soo socota ay gabdho badan ku jiri doonaan, baaqaas ay soo jeediyeen gabdhaha Soomaaliyeed ayaan la qabaa oo aniguna soona jeedinayaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dhawaan laga filayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub, iyadoo doorka Haweenka inta uu la ekaan doonaan aan la ogeyn.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News