U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo War Kasoo Saaray Weerarkii Liido Sea Food

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u dhaqaaqey inay nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan, iyagoo dhinac iska dhigaya waayihii mugdiga ahaa ee ay soo mareen.

Madaxweynaha oo ka hadlayey falkii kooxaha ay ka luntey jihada diinta Islaamka ay ka geysteen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Al Shabaab ay doorbideen inay beegsadaan carruur, haween, iyo dad shacab ah oo ku nasanayey makhaayadaha, taasina ay caddeyn u tahay in argagixisada iyagoo naf la caari ah ay doonayaan inay goobaha shacabka u bedelaan goobo dagaal.

“Allah u naxariistee shuhadadii xaley ku naf waayey falkaasi diinta Islaamka ka baxsan ee argagixisadu ay geysteen. Dad shacab ah oo daqiiqado ka hor gutey waajibaadka salaadda ayay ahaayeen, kuwaas oo halkaasi ku nasanayey, kadib toddobaad dheer oo ay qaranka u adeegayeen. Meelna ugama jirto diinteena Islaamka ee saliimka ah in shacab la xasuuqo. Waxaan Ilaahay uga baryayaa kuwa naftooda ku waayey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, kuwaa dhaawacmeyna uu deg-deg u caafiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sidii degdegga ahayd ee Ciidammada Qalabka Sida ay uga jawaabeen weerarkaasi fuleynimada ah ee Al Shabaab, isagoo sheegay in argagixisada uu waqtigooda sii dhammaanayo, jabka ay kala kulmeen ciidanka dowladda awgeedna ay u beegsanayaan rayidka.

—DHAMMAAD—-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya