U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka Denmark

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Safiirka Cusub ee Dowladda Denmark ay usoo Magacaawday Soomaaliya Mss Mette Knudsen Xarunta Madaxtooyada Qaranka uga  Guddoomay, warqadaheeda aqoonsiga Safiirnimo.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dale e Soomaaliya iyo Denmark.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Cusub ee Dowladda Denmark waxaa Goobjoog ka  ahaa, Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya mudane C/Salaan  Hadliye Cumar.

Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya  u joogi doona Mss Mette Knudsen Oo warbaahinta dowladda  la hadashay ayaa ka hadlaysa  Magacaabisteeda Soomaaliya

“Maanta maalin wayn ayay ii tahay  Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iga guddoomay Warqadahayga aqoonsiga Safiirnimo waxaana si dhow  uga shaqayn doonaa Xiriirka labada dale e Denmark iyo Soomaaliya”  Ayay tiri Mss Matte Knudsen.

Iyadoo sii hadlaysa Safiirka Dowladda Denmark waxa ay sheegtay in Denmark ay Samaysay qaab cusub oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya  gaar ahaan Horumarinta Dowladda iyo Dowlad Gobolleedyada dalka kajira iyo si doo kale in fursado shaqo loo abuuro Dhallinyarada Soomaaliyeed.