U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ”Soomaaliya Iyo Talyaaniga Dhinacyo Badan Ayay Iska Kaashan Karaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Carwada Caalamiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhacaysa magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso colaaddi sokeeye, lana sameeyay horumar dhinacyada amniga,siyaasadda iyo dhaqaalaha, taasina ay suuragelineyso in shirakadaha kala duwan ee caalamka ay maalgashan karaan Soomaaliya.

‘’Soomaaliya waxay leedahay kheyraad badan oo kala duwan. Waxaan leenahay dhul beereed, kheyraadka badda, xoolaha nool iyo weliba kheyraadka shidaalka iyo macdanta. Sidaa darted waxaan 148 dowladood ee ka qeybgalaya carwadan, gaar ahaan Talyaaniga u sheegayaa in waddankeena uu diyaar u yahay ganacsi iyo maalgashi. Dhanka kheyraadka beeraha, waxaan aaminsanahay in haddii si wanaagsan loo maalgashado ay Soomaaliya gacan ka geysan karto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada cunno yarida ee ka jirta dunida. ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sameynta sharciyada maalgashiga, isla markaana sharciyadaasi noqon doonaan kuwa ugu fiican qaaradda Afrika ee soo jiita shirkadaha maalgashiga caalamka.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah uga hadley xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo ka mahadceliyay doorka Talyaanigu ka qaadanayo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Dhanka xasaradda dadka u soo haajiraya waddamada Yurub, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xal wadajir ah ay la yimaadaan dalalka caalamka.

‘’Arinta muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa ka imanaya Afrika, waxaa loo baahan yahay in waddamada Yurub ay Afrika gacan ku siiyaan abuurista fursado dhaqaale oo ku dhiirigelinaya dhalinyarada inay dalalkooda ka shaqeystaan halkii ay naftooda khatar u gelin lahaayeen, iyagoo fursado dhaqaale ka raadinaya waddamo ka fog dhulkooda’’.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga, Roberta Pinotti oo ka wakiil ahayd Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, ayaa iyana hadal ay ka jeedisey goobta waxay kaga hadashey xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay in dalkeeda uu si buuxda qeyb uga yahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya.

“Xoojinta xiriirka labada dal muhimad gaar ah ayay inoo leedahay. Mudane Madaxweyne dowladda Talyaaniga waxay soo dhoweyneysaa hoggaankaaga wanaagsan ee dib u soo kabashada Soomaaliya, siiba dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidaa darted waxaad xisaabta ku darsataa in Talyaanigu uu yahay saaxiib dhab ah oo aad leedahay oo kugu taageeraya hawlaha muhiimka ah ee aad hayso’’, ayay tiri Roberta Pinotti, Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Milano ka furey Madasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay ka soo qeybgaleen ganacsato Soomaaliyeed, shirkadaha ganacsiga caalamka iyo dowlado. Waxaa uu Madaxweynaha hadal uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si wanaagsan u soo dhoweyso maalgashiga shirkadaha caalamka, isla markaana kuwa soo hormara la siin doono mudnaan gaar ah

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha isla magaalada Milano kulan kula qaatey Guddoomiyaha gobolka Lombardia , Roberto Maroni. Gobolka Lombardia oo ka mid ah gobollada dhanka warshadaha qaniga ku ah qaaradda Yurub, ayaa waxaa uu Madaxweynaha, madaxda gobolkan kala hadley sidii adeegyada iyo xirfadaha dhanka tiknoloojiyadda loogu taageeri lahaa gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Mar uu la hadlayey jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Milano, waxaa uu Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqey inay dib dalka ugu noqdaan, si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska waddankooda.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Rome, kulan kula yeesho Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada