U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya Waxay Yeelanaysaa Maanta Garoon Diyaaradeed Casri Ah” (Dhageysi Iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Xasan6Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qaab casri ah hadda loo dhisayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi shalay uu kormeer ku tagay.

Waxa uu tilmaamay marka dhismaha lagu dhameeyo Garoonka Aadan Cadde in uu la mid noqon doono kuwa ugu casrisan ee Afrika.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in ay dhowrtaan hanitadooda kana taxadaraan wax walba oo waxyeelo u keeni kara bilicda loo sameynayo Garoonka Muqdisho.

“Garoonkaan markii la furo waxa uu ka mid noqon doono kuwa ugu casrisan ee Afrika, wax walabna uu kala siman yahay garoomada caalamka, dadka Soomaaliyeed ayaa laga rabaa hantidaan inay ilaalsanaa, dhibaatada ka ilaaliyaan, wixii wax u dhimaya nadaafadana ay ka ilaaliyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaa haatan lagu wadaa dib u habeyn casri ah, waxaana loo sameynaayo waxyaabo badan oo garoonka ka maqnaa.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada.

Xasan10 Xasan9 Xasan8 Xasan7 Xasan1 Xasan2 Xasan3 Xasan4 Xasan5 Xasan6

Goobjoog News