U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waa Dhammaad Waqtigii Ay Sii Jiri Lahaayeen Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xilligaan uu dhammaad yahay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ciidamada dowladda ay gaareen deegaanno hor leh.

“Dagaalka  Al-shabaab waa uu socdaa, meello aanu gaarin dhowr iyo Tobankii sano ee ay jireen Shabaabku ayuu maanta gaaray, meello ay nabad ku deganaan jireen Al-shabaab ayaanay maanta nabad ku deganeen, caawana Kalsooni ku seexaneen sidaasi waxaa sababay ciidamadeenna qalabka sida, kuwa AMISOM iyo saaxiibo kale oo na saaciday, waqtigii ay sii jiri lahaayeen Shabaab wuu soo gunaanadmayaa, dagaalka Shabaab Hal aag kaliya malahan aagag badan buu leeyahay”

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaali doonto sidii dhallinyarada Soomaaliyeed aanay u raaci lahayn Al-shabaab kuwa raacayna looga soo celin lahaa.

“Aagga Labaad ee dowladda Soomaaliya xoogga saareyso waa aagga dhallinyarada, dhallinyaradeena waxaan u baahannahay in aan kasoo ceshanno shabaab, dalkaan ayaa dalkoodii ah, dal kale malahan kuwa Shabaab aadayna inaan kasoo celinno, kuwa in ay aadaan laga yaabana inaan u sameynno waddo kale oo ay aadaan, si kale oo loo noolaado inaan u sameyno, inaan tusno inay jirto nolol ka wanaagsan Al-shabaab, inaan kala shaqeyno awooddii ay noloshaasi kula noolaan lahaayeen, Dhallinyarada waxaan leenahay idinkuna u diyaar garooba waagaas cusub, dalkaan dhibaato xoog leh baa gaartay mas’uuliyaddiisa annagaa iskaleh, dalkeenna annaga ayaa gacmaheena ku duminay, haddana mas’uuliyad in dalka la dhiso annaga ayeey na saaran tahay, dadka kale oo dhan kaalmo ayeey noo galaan, laakiin dalka nooma dhisi karaan, 25 sano ayaan soo aragnay soona tijaabinnay dalkaan inaan naloo dhisi karin, siyaasad naloo xallin karin, dowlad naloo dhisi karin, marka annaga ayeey na jirtaa inaan ku habsaannao waxyaabihii 25 sano kusoo habsaannay iyo waxyaabahaaasi inaan meel iska dhigno oo aan u jeedsanno waqtiga cusub” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aanay gadaal u noqon doonin, islamarkaana ay horay usii socon doonto.

Hadalkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo loogu dabaaldegayey maalinta Midowga Yurub.

Goobjoog News