U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waan Soo Dhaweyneynaa Fikradaha Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanada” (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmey dhalinyaro iyo aqoonyahanno, si uu u dhegeysto fikradahooda ku aaddan qaabka ugu habboon ee waddanka looga hirgelin karo isbeddelo waxtar leh oo la xiriira dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Arrimaha lagu falanqeeyay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Hiigsiga 2016, kobcinta dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, maalgashiga, iyo in la sameeyo nidaam canshuureed habeysan.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay fikradaha halkaasi ay ka soo jeediyeen xubnahaasi, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo badbaadinta dalka.

“Aad baan u soo dhoweynayaa fikradahiina saliimka ah. Maadaama dowladdeena ay ku dhisan tahay wadatashi waxaan weli idinka dhowreynaa inaad inoo soo gudbisaan fikrado kuwan aad maanta bixiseen ka badan oo ku qotoma dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha dhalinyarada iyo aqoonyahannada isugu jira ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey fursadda loo siiyey inay fikirkooda ka dhiibtaan mustaqbalka waddanka, iyagoo balanqaadey inay dadaal badan gelin doonaan horumarka Soomaaliya cusub oo nabad ah.

–DHAMMAAD—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

X7 X6 X14 X13 X12 X11 X10 X9 X8