U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa La Arki Doonaa Al-shabaab Iyaga Oo Weeraraya Suuqyada, Masaajidda Iyo Iskuullada”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in awoodda Xarakada Al-shabaab ay haatan hoos usii socoto islamarkaana ay xilligaan marayaan heer ay shacabka bartilmaameedsadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in lasoo maray Al-shabaab oo weeraro ka geysanaya Madaxtooyada, Baarlamaanka, Hoteelada, maqaayadaha lana arki doono iyaga oo weeraraya meelaha kale ee shacabku ku badan yahay sida suuqyada, masaajidda iyo iskuullada.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan u sheego nimankaan daruuftooda iyo xaaladooda waxay ku sugan tahay, madaxtooyada Jamhuuriyadda weerar, golaha baarlamaanka weerar, guriga cadaaladda oo garsoorka maxkamada degan yihiin gala halkaasi ayeey ka yimaadeen, Hoteel weerar, maqaayad dad shacab ah ka qadeynayaan ama ka casheynayaan weerar, wey sii socdaan, berrina waxaa la arki doonaa meello intaasi kasii nugul Iskuul, Suuq iyo masaajidda iyaga oo weeraraya ayaa la arki doonaa, tabartooda wey sii dhamaaneysaa dadka dhiigiisa inay daadiyaan mooyee wax kale oo usoo haray malahan, dagaal ma ahan dad rayid ah oo meel ku casheynaya barxad fafadhiya in inta loo yimaado xabad oodda looga qaado, kuwaas dhintay iyo kuwii iyaga oo ka xureynaya ku dhintay waaye kuwa jihaaday ilaahayna ajir iyo xasanaad ka siinayo ee ma ahan kuwii usoo la bistay in dadkaasi dhiiggiisa daadiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dmabeyn madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay dadka aan wax looga qaban karin xaaladooda dalka gudahiisa in dadaal caafimaad oo dibadda ah loo qaadi doono.

Habeen kahor ayaa rag ka mid ah Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen maqaayadda Liido Sea Food halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo shacab ah.

Goobjoog News