U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan Dagaal Kula Jirnaa Cadow Caalami Ah Oo Khatar Ku Ah Amnigeena Iyo Jiritaankeenna”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey barnaamijka wadashaqeynta gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir ee xoojinta amniga caasimadda.

Kulankan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen madaxda gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, taliyeyaasha ciidammada gobolka, iyo mas’uuliyiin kale ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad uu ku dhiirigelinayo shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, maamulka gobolka iyo degmooyinka si looga adkaado cadowga.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow caalami ah oo khatar ku ah amnigeena iyo jiritaankeena. Cadowga Al Shabaab ee aan la dirireyno wuxuu haatan hadafkiisu yahay xasuuqa shacabka, taana waxaa daliilu ah ficiladooda ay sida arxan-darada ah ugu beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Dagaalkan waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si wadajir u wajahna, dadaalkeenanan meel isugu geyna’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in doorka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga caasimadda aanay ahayn arin cusub ama go’aan hadda uun la gaaray, balse ay tahay arin horey qaanuunka ugu xusneyd oo haatan si wanaagsan loo qeexay, isagoo sheegay in doorkaasi ay la socdaan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aamadii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada ay ahaayeen kuwo dhaxal gal ah oo wax ka taraya xoojinta amniga magaalada Muqdisho.

“Go’aamada la gaarey ee dhaxalgalka ah waxaa ka mid ah in la yareeyo gawaarida hubeysan ee magaalada dhex wareegaya. Waa inaan wacyigeena amniga kor u qaadno, feejignaan dheeri ahna aan muujino . Hanjabaadaha cadowga yaaney idin niyad jebin, taa bedelkeedana waxaan shacabka ugu baaqayaa inay ciidammada la shaqeeyaan oo ay soo wargeliyaan mar kasta oo ay arkaan waxyaabo ay ka shakiyaan, amaba wax u dhimi kara amniga qaranka’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wiilashii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ciidammada amniga ee ku dhintey weerarki ugu dambeeyey ee kooxaha nabad diidka ay la fuliyeen Muqdisho ay ahaayeen shuhado difaacayey shacabka iyo qaranimada Soomaaliya.

“Wiilashan waxay u dhinteen si ay u badbaadiyaan hooyooyinka iyo aabeyaasha Soomaaliyeed. Dhiiggooda ayay ku bixiyeen inay cadowga ka hor istaagaan inaan la waxyeeleyn dad rayid ah oo noloshooda raadsanaya. Waan ka xumahay inay jiraan dad wax ka sheegaya wiilashaasi sharafta ku dhintey, waxaana si cad u sheegaya in kuwa wax ka sheegaya ciidammadeena duruufaha adag ku shaqeynayaa inay yihiin kuwo u adeegaya danaha Al Shabaab’’.

Waxaa uu dhanka kale Madaxweynaha sheegay in dowladda ay muhimad gaar ah siineyso daryeelka ciidammada, dadaal kastana ay ku bixineyso in xaqa ay leeyihiin iyo daryeelka ay mudan yihiin ay helaan.

“Way dhacdaa in mar mar mushaharka uu ka soo daaho ciidankeena, hadana waxaan mar walba xaqiijinaa in mushaharaadka ka daahay oo dhan la siiyo. Sidaad wada ogtihiin dowladdeena dhaqaale ku filan ma haysato.Dhowaan booliska waxaa la siiyay mushaharaad dhowr bilood ka soo daahay. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna, waa la siinayaa wixii mushaharaad ah ee ka baaqdey. Waxaan farayaa Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda inay qalabka warbaahinta ay bulshada warbixin kaga siiyaan xaaladda daryeelka ciidammada si meesha looga saaro wararka kutiri-kuteenka ah ee la faafinayo’’.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

—————-DHAMMAAAD—–——————-