U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Dowladiisa Ku Guuleysatay Ilaalinta Lacagaha Loogu Tala Galay Horumarka Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta oo maanta ka furmey magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Ethiopia.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisey Qaramada Midoobay, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Ban Ki Moon.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadley arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarka caalamka, qaaradda Afrika iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in muhimada koowaad ee shirkan ay tahay fursadda loo helayo in laga doodo sidii dalalka caalamka looga taageeri lahaa inay gaaraan hadafyadoda dhinaca horumarka oo dhameystiran.

‘’Waa inaan isla meel dhignaa hadafyo la fulin karo , kuwaas oo si tartiib tartiib ah qeyb uga qaadan kara ciribtirka fakhriga. Waa inaan dadaalkeena isugu geynaa sidaan u dhisi lahayn hay’adaheena kala duwan, lana yareeyaa colaadaha, waayo taasi waxay inaga saacideysaa in carruurteena ay waxbarasho fiican helaan, in shacabku helo biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee asaasiga ah’’ ayuu khudbaddiisa ku xusey Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayey baahida dhaqaalaha la doonayo in lagu bixiyo mashaariicda kala duwan ee horumarka caalamka, ayaa tusaale u soo qaatey iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ee Cahdiga Cusub (New Deal Compact), kaas oo qeexaya waddada iyo qaabka loo marayo dib u soo kabashada Soomaaliya, colaaadda kadib.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in iyadoo la tixraacayo barnaamijkaasi, Soomaaliya loo balanqaadey lacag dhan laba bilyan oo dollar oo dhinaca horumarinta lagu bixinayo.

“Waxaan qaadney talaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo inaan si khaldan loo isticmaalin lacagaha loogu talagaley horumarka dalka ee barnaamijkaasi uu dhigayo, iyo dib u qaabeyn lagu sameeyay hay’adaheena maaliyadda, inagoo filayney in beesha caalamka ay ku qanci doonto, taageerada aan dooneynana ay ina siin doonaan, sida aan anaga u rabno, balse taasi ma dhicin. Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Cahdiga Cusub ama New Deal uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aaney weli jirin maalgelin lagu sameynayo adeegyada muhiimka inoo ah, iyadoo taasi ay dheer tahay in Soomaaliya aysan door weyn ku lahayn maamulka barnaamijkaasi’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in waddamada ka soo kabanaya colaadaha il gaar ah lagu eego.

‘’Waxan taasi raacin lahaa inay habboon tahay inaan maanka ku hayno in qaar ka mid ah dalalka ay colaaduhu saameeyeen aysan haysan kaabeyaasha aasaasiga ah, iyadoo weliba hay’adahooda dowligana ay yihiin kuwo liita, sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah in la kordhiyo taageerada maaliyadeed, si isbeddelo horumar keeni kara loo abuuro.Kaalmada la siinayana waa inay ku jirtaa mid farsamo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay nidaamka caalamiga ee dhismaha kaabeyaasha ee uu maamulayo Baanka Adduunka, iyo weliba qorshaha qaaradda Afrika ee horumarinta kaabeyaasha ee la magac baxay Africa 50 Infsrastructure Fund.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadley iskaashiga waddamada soo koraya, qaabeynta iyo nidaaminta xawaaladaha, iyo isagoo caalamka xusuusiyey muhimadda ay leedahay in laga dhabeeyo balanqaadyada ku aaddan dhanka horumarinta ee hay’adaha iyo dowladuhuba ay sameynayaan.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

I6 I5 I4 I3 I2 I1