U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan Taageero La Garab Taagannahay Dhammaan Maamul Goboleedyada Dalka Ee Dagaalka Kula Jira Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in taageero buuxda ay dowladda la garab taagantahay dhammaan maamul goboleedyada ka jira dalka ee la dagaallamaya Xarakada Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu bogaadiyey dagaalladii Galmudug ay gobolka Mudug kula gashay Al-shabaab, looguna hambalyeeyay guusha ay gaartay.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:- 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku guuleystey inay jabiyaan cadowga Al Shabaab oo iyagoo firxad ah degaannadaasi si dhuumasho ah ku soo galey.

“Waxaan anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Ciidammada Qalabka Sida, aan ugu hambalyeynayaa ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya shacabka, sida deg-degga ah ee ay uga jawaabeen maliishiyaadka naf la caariga ah ee Al Shabaab oo halkaasi qalalaase ka wadey. Waa wax lagu farxo in geesiyaasha Galmudug ay cashar lama ilaabaan ah u dhigeen cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay kordhiyaan gulufkan cusub ee Al Shabaab la isaga xorreynayo iyagoo tusaale ka dhiganaya maamullada Galmudug iyo Puntland oo iyagoo kaashanaya shacabkooda iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysteen inay nabad diidka ka sifeeyaan dhulkooda.

‘’Waxaan taageero la garab taaganahay dhammaan maamullada ka jira dalka dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaanna ku dhiirigelinayaa shacabka inay la shaqeeyaan, taageerana u fidiyaan ciidammada dowladda’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay kuna baaqey in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa, loona tayeyn lahaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

——————–DHAMMAAD–—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya