U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Mooshinka Wada waa la garanayaa  taariikhda ay Soomaaliya ku dhex leeyihiin dhinaca siyaasadda”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta shir ja’aaid ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya ayaa ugu horeyn ka hadlay waxqabadka dowladdiisa mudadii sadexda sano ee ay jirtay.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dalka uu ka yimid meel aad u fog, wax badana ay dhiman yihiin.

Madaxweynaha waxaa soo qaaday dhismaha dowlad goboleedyada dhismay iyo Maamulka Hiiraan iyo Shabeele oo dhawaan la dhisayo  iyo 3-da guddi ee gundhiga u ahaa Hiigsiga 2016-ka sida doorashada, garsoorka iyo xuduudaha.

Mar uu ka hadlay shirkii Hiigsiga ee dhawaan la qabtay waxaa uu sheegay in Soomaalida ay gacanta ugu jirto Mustaqbalka iyo aayo ka talin dalka.

Madaxweyne Xasan waxaa uu sheegay in Mooshin laga keeni karo oo waajib dastuuri ay tahay, uuna ixtiraamayo lakin waxaa uu sheegay in Mooshinkan uu cuuriyaami karo kalsoonida iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Mar uu ka hadlayey Mooshinka waxaa uu sheegay Xasan Sheekh“Soomaaliya wey dhaqaaqday, Dad aad u tiro yar oo carqalad wado ma celin karaan Soomaaliya, mana hakin karaan”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wada waxaa uu yiri“Hay’adaha Dastuuriga ah haku mashquuleen waajibka iyo howlaha laga sugayo, yaanay ku mashquulin waddo shalay lagu habaabay yaanay dib ugu noqonin, taariikhda ayaa qori doonta dadka waxaa ka shaqeeyay, dadka maanta wadana waa la garanayaa  taariikhda ay Soomaaliya ku dhex leeyihiin ee dhinaca siyaasadda, Yaanay Shacabka soomaaliyeed iyo baarlamaanka iyo dowladda qeybaheeda kala duwan yaanay ku kadsoomin.

Dhanka kale, shir ay maanta Muqdishu ku yeesheen waxaa ay ku sheegeen in ka walaacsan yihiin Mooshinka laga keenay Madaxweynaha.