U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Safiirka Dowladda Finland oo Muqdisho Ku Kulmay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyadda qaranka ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya Soomaaliya  Mudane Pirkka Tapiola, iyagoo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo quseeya labada dalka.
Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan qorsheyaasha gurracan ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.
Goobjoog News