U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Siciid Deni oo Shir Gaar ah Weli Ku Leh Garoowe

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Garoowe  ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa kulamo albabada ay u xiran yihiin oo cidna aan loo ogoleyn la leeyahay Siciid Deni madaxweynaha maamulkaas, iyaga oo kawada hadlaya arrimo dhowr ah.

Warar hoose oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweyne Xasan iyo Deni laba kulan ay wada qaateen,, kuwaas oo albaabada ay u xirnaayeen, labada mas’uul ayaa kawada hadlaya xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Puntland, walina majiro shir furan oo u dhaxeeya madaxweynahu la qaatay bulshada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay in madaxweyne Xasan booqashadiisa Garoowe uu ku qotomo u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

Goobjoog News