U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh: “Madaxweyne Farmaajo Juhdiga uu 4 sano ku bixiyay Gobolka Gedo haddii uu ku bixin lahaa Arrinta Badda, horumar ayaa maanta laga gaari lahaa”

Sheeko:Amniga

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweeynihii hore ee dalka ayaa sheegay in tan iyo markii uu talada dalka wareejiyay aysan dowladda wax talaabbo ah u qaadiin sidii loo difaaci lahaa Baddeenna.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wareeysi dhinacyo badan taabanay siiyay GoobJoog News  ayaa sheegay in jufdiga iyo dadaalka ay dowladda ku bixisay sidii ay u kala fur furi laheyd gobalka Gedo , haddii lagu bixin lahaa in natiijada ay ka fiicnaan laheyd tan maanta .

“Anaga nasiib darrada ugu weyn ee na heeysato waxa waaye horayna waan uga hadlay qadiyadda Badda, dowladdeenna kuma mashquulsana Juhdiga iyo dhaqaalaha iyo waqtiga dowladdeennu ay gelisay Gedo , iyo Jubbaland sidii loo kala fur furi lahaa , haddeey badda gelin laheeyd ani waxaan aaminsanahay waqtigaan in jawaab lahaayn laha xukunna waa dhici lahaay aan qabaa , laakiin dowladda waqti magelin “.

“Daliil qof ka sheeynooya malahan , Hoowshu sow dad ka mas’uul ah oo ka shaqeeya sow ma rabto , Hadda ka horna wareysi dheer aan ka bixiyaya arimaha badda dowladda horayna ugama shaqeyn haddana kama shaqeeynoyso, dadkii ka shaqeeynayay dhanna waa kala dirtay “.

“Looyaradiiye kala dirtay , Safiirki ka shaqeeynayay dirtay , xeer ilaaliyihii yaqiinay ee dirtay , weligeed dowladda dadka inta hortimaddo qadiyadda badda saan waaye caqabadahaana naga heeysta ma dhihin , anaga waan geeynay Baarlamaankaan loo geeyn jiray , xukuumadda loo geeyn jiray , Bulshada Rayidkaa ka qeyb gali jirtay , oo maxkamadda inta tagto dhageeysan jirtay  waxa meesha ka dhacayo, Afar sanno la soo dhaafay hal talaaboo saas ah dadaal baddaas laguma Bixin”.

Halkan Ka Daawo Waraysi Xasan Sheekh Oo Dhameystiran