U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Booqanaya Furimaha Dagaalka ee Gobollada Dalka

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah  Alshabaab, waxaana lagu wadaa inuu tago deegaanno dhowr ah oo  ku yaalla gobollada Mudug, Galgaduud iyo gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helayo kuwa deegaanka iyo abaabulka dagaalka dowladdiisu ugu jirto in Al-shabaab looga saaro dalkaka dhageysan doodaanaa saraakiisha ciidanka goobaha uu tagayo ku sugan, kuwaas oo muddo dhowr bil difaac ku jira.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safarkiisa waxaa uu tagi doonaa magaalada Wisil oo gobolka Mudug ka tirsan, halkaas oo kamid ah goobaha ciidanku difaaca uga jiraan, degmada Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo qeybo kamid ah gobolka Hiiraan oo ay ka socdaan gobolka Hiiraan sida lagu  baahisay Villa Soomaaliya.
Gobollada dalka tan iyo markii ay ka bilowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyay oo madaxweyne Xasan Shiikh ugu kuurgalayo xaalada dhanka nolosha iyo dagaallada ka socda gobollada ka kala tirsan dowlad goboleeedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Goobjoog News