U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib, markii uu kasoo qeyb galay kulanka 77-aad ee golaha loo dhan yahay  ee Qaramada Midoobey, madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Mareykanka waxaa uu la kulmay madax kale duwan, kuwaas uu kala hadlay xaaladda dalka.

Kulamada ayaa waxaa ay ku qotomeen sidii uu dunida ugu soo bandhigi lahaa dowladdiisa iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab iyo arrimaha abaaraha oo siweyn dalka u saameysay, madaxweyne Xasan ayaa madaxda dalka Maraykanka waxa uu kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay qeyb uga noqon laheyd abaaraha iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto Shabaab.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya, isaga oo ka helay ballanqaadyo kale duwan.

Xasan Shiikh ayaa waxaa uu sidoo kale kulan-doceedyo la qaatay madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah Soomaaliya, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, waxaana madaxweyne Xasan uu dalka dib ugu soo laabtay iyadoo dalka qeybo badan oo kamid ah ciidanka dowladda ay kala wareegeen Shabaab.

Goobjoog News