U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Aadan Yabaal

Sheeko:Amniga

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad safar ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe

Madaxweyne Xasan waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa degmada Aadan Yabaal ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen .

Amniga Degmada ayaa aad loo adkeeyay , waxaana ujeedka safarka Madaxwaynaha ee Aadan Yabaal ay tahay dar dar galinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhaka ah kooxda Al- Shabaab kaas oo ka socda meelo ka mid ah gobolada dalka.

Inta uu ku sugan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya degmada Aadan Yabaal waxa uu halkaas kula kulmi doonaa waxgaradka degmada oo ay isla meel dhigi doonaan sida muhiim ay tahay in ciidanka lagu gacan siiyo ciribtirka kooxda Al- Shabaab.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegi doonaa xeryaha ciidamada, si uu dhiirageliyo, una kormeero sida ay tahay xaaladdooda, maadaama ay ku jiraan xaalad dagaal.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug halkaas oo laga saaray kooxda Al- Shabaab.

Goobjoog News