U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Ankara iyo Madax Kale oo Ku Wajahan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Turkiga, halkaa uu kaga qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Reccep Tyyib Erdogan oo 28-kii bisha ku guuleystay doorashadii dhacday.

Magaalada Ankara ee caasimadda dalkaasi ayaa waxaa kusii qulqulaya madax kale duwan oo ka qeyb gali doonta munaasabadda lagu caleemo saarayo Erdogan oo markii labaad oo xiriir ah ku guuleystay xilka madaxweynaha, isaga hore u soo noqday Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeye xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaa Soomaaliya ka fuliyay mashaariic kale duwan oo lagu hormarinaayo dalka sida dhismaha Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde.

Turkiga ayaa Sidoo kale Soomaaliya waxaa uu ku leeyahay saldhigga ciidan ee ugu weyn Qaaradda Afrika, kaas oo sanad waliba soo saara Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo Booliiska Gaarka ah, waxaana lagu xasuustaa safarkiisii Muqdisho sanadkii 2011, xilligaas ay jirtay Majaaco daran.

Madaxweyne Turkiga Mudane Reccep Tyyib Erdogan ayaa doorashadii wareegga labaad ee dhacday 28-kii bisha ku guuleystay isaga oo ka adkaaday hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kemal Kılıçdaroğlu, kadib markii uu taageero ka helay xisbiga sedexaad ee National Movement Party.

Goobjoog News