U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Dalka Eritrea

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar qaadan doona laba maalin uu  maanta ku gaaray caasimadda dalka Eritrea ee Asmara halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha waddankaas Isaias Afwerki.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas waxaa uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalkaas, iyaga oo ka wada hadli doona xoriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka amni iyo bulsho ee Soomaaliya iyo Eritrea, waa safarkii sedexaad uu madaxweynaha ku tago dalkaasi.
Safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalkaas ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaas tabarro kale duwan ku qaadanay muddo dhowr sano ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar ka mid dhowaan ay dalka soo gaareen.
Madaxweynaha safarkiisa Asmara ayaa waxaa sidoo kale uu kusoo aadayaa xilli dhowaan dowladaha safka hore uu ka dalbaday in laga gacansiiyo dagaalka dowladda federalka ay kula jirto dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoo ay ballan qaadeen in wadajir loo wajaho dagaalka lagu jiro
Goojoog News