U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Deegaanka Masaajidka Cali Guduud

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeraya qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dardargaliyo howlgaldaay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee dhowaan qabsaday deegaanka Masaajidka Cali Guduud  isla markaana uu dhiirrigeliyo ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab
Madaxweynaha oo ku bogaadiyay Saraakiisha hoogaamisa ciidamada ee guulaha kasoo hooyay dagaalka Alshabaab lagula jiro ayaa adkeeyay in loo guntado sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha dhexe iyo guud ahaan in dalka laga saaro sida uu hadalka u dhigay
“Halkaan waxaan idin kugu imid in aan idinkaga mahadceliyo nafhurnimada iyo dhabar adeyga aad muujiseen, si aad dadkiinna uga dulqaaddaan heeryada kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta. Dowladdiina iyo dadkiinuba waxa ay ku faraxsanyihiin kuna faanayaan guulaha aad ka gaarteen cadowga kaliya ee maanta dalkeennu leeyahay. Waa in aan waqti kooban ku gaarno deegaanada kale ee ay weli dadkeenna ku dhibaateeyaan.”ayuu yiri xilli uu la hadlaayay.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah sida Saldhigga Booliska, xarumaha Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Safarkan Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.
Goobjoog News