U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Uganda, Akhriso Ujeedka Socdaalka

Sheeko:Amniga

Madaxweyanaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa magalaada Kampala ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Odongo Jeje Abubakhar.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda lagu wadaa in kulamo uu la qaato madaxda dalkaas, xilli la filayo in uu ka qayb galo shirka dhaqaalaha ee Ugand iyo Soomaaliya.

Booqashada Uganda ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay Kampala iyo Muqdisho ay kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Uganda ku tagay safarkiisii sideedaad kadib socdaallo uu ku tagay dalalka  Imaaraadka, Turkiga, Tanzania, Kenya, Jabuuti, Ereteriya iyo Masar.

Goobjoog News