U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Baaqay in Gurmad Caafimaad Loo Fidiyo Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Soobe

Sheeko:Amniga

Waxaa wali isasoo taraya faahfaahinnada laga helayo qaraxyo isxigxigay oo ka dhacay isgoyska Soobe meel aan sidaas uga fogeyn wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare , waxaana lasoo warinayaa in khasaaraha ka dhashay saacad kasta, waxaana dadka wax ku noqday ku jira tiro saxafiyiin ah iyo sidoo kale saraakiil ciidanka Booliiska ka tirsanaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray goobta qaraxyadiu ka dhaceen ayaa khudbad ka jeedyay, isaga oo sheegay in wararka hordhaca ah ay sheegayaan geerida dad ka badan  100 ruux , halka dhaawacu uu ka badan yahay 300 ruux, waxaana uu intaas raaciyay in ay sii kordhi karaan saacad waliba sida uu hadalka u yiri Xasan Shiikh.

“Dhimashadu waa 100, dhaawacuna waa 300 ku dhowaad,  dhaawacyo kale waa ay soo bixi doonaan, dhimasho kalena waa ay soo bixi doonaan, waa taariikhdii Soobe labaad waaye, waa isla meeshii, waa isla nuucii dadkii, sax maahan, umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa Octobarro kale oo sidaan oo kale ah ma dhici doonaan, awoo iyo fursad ay sidaan ku sameeyaan ma heli doonaan, haddana waa nool nahay waaye waxooda ogaada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadii ka dhacay Soobe ayaa wuxuu  tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey, waxaana uu soo hadal qaaday hooyo geeriyootay iyadoo cunug haysata.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”.ayuu ku yiri hadalkiisa madaxweynaha isaga oo ka hadlayay qaraxyadii  ka dhacay Soobe.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli ay qaraxyo ka dhacay isgoyska Soobe, kuwaas oo geystay waxyeello xooggan, waxaana ilaa iyo hadda lasoo sheegayaa in dadka geeriyooday ay gaarayaan 100 ruux halka ay dhaawacyo soo gaareen in ka badan 300 oo ruux, waxaana ka mid ahaa wariyeyaal iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Goobjoog News