U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Qeybgalaya Shirka Jamaacadda Carabta Ee Aljeria

Sheeko:War
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya, kaas oo ay usugu imaanayaan madaxda dalalka ku midaysan ururka Jaamacadda Carabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula jirto Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan, waxaana lagu wadaa inuu kala hadlo sidii dowladdiisa looga taageeri lahaa dagaallada iyo gurmadka abaaraha jira xilligaan.
Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Shiikh Cumar Abuubakar iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.
Goobjoog News