U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Nabaddoonno Lagu Dilay Galgaduud

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ku geeriyooday weerar ka dhacay deegaanka  Masagawaa ee Gobolka Galguduud.
Madaxweyne Xasan Shiikh  ayaa xusay in falkan Al-shabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha oo ktacsi dirayay .
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama  Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.
Goobjoog News