U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo iyo U jeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxaa magaalada laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay oo maamulka iyo shacabku ay ugu jiraan soo dhoweynta madaxweyne Xasan Shiikh oo tagaya halkaas, tan iyo markii la doortay 15-kii May 2022-kii.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxaa uu la kulmi doonaa madaxweyne Axmed Madoobe iyo bulshada iyo waxgaradka reer Jubbaland, isaga oo kala hadli doona arrimo dhoer.

Safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa sidoo kale ku qotoma sidii loo xalin lahaa tabashada maamulka gobolka Gedo ee ku aadan Jubbland, waxaana uu goobjoog naqon doonaa shirka lagu xaninayo khilaafka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa dhinaca kale uu booqan doonaa taliska xoogga dalka qeybta 43-aad, isaga oo kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo lagu wado in laga bilaabo Jubbaland.

Goobjoog News