U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Wajahan Uganda

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inuu safar ugu anbabaxo dalka Uganda, kadib martiqaad uu ka helay dhigiisa dalkaas Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweynaha ayaa inta uu safarkiisa ku jira la kulmi doona madaxweynaha dalka iyaga oo wada hadli doona xiriirka labada dal, waxaa sidoo kale uu la kulmidoonaa madaxweynaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda.

Dalka Uganda ayaa waxaa uu kamid yahay dalaal ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya isaga oo ah dalka ay ciidanka ugu badan kaga jiraan howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee ATMIS,ee ciidanka xoogga taageera.

Goobjoog News