U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulamo La Qaatay Madaxweyne Axmed Madoobe

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulamo ka wada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland, waxaana wararku ay sheegayaan in madaxweynuhu uu kulan gaar ah la qaatay Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulamada ayaa waxaa la sheegay in inta badan looga haday xaaladda deegaannada Jubbaland, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa arrinta gobolka Gedo, Wasiirka Arrimaha maamulka Maxamed Ibraahim Oogle ayaa sheegay in laga wada hadlay dwajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha laga hadlaayo ay ugu waaweyn yihiin xaaladda gobolka Gedo iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dowladdu sheegtay in dhowaan laga bilaabayo deegaannada Jubbaland, kumalada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay sii socon doonaan inta uu ku sugan yahay Jubbalanad.

Goobjoog News