U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan La Qaaday Ergay Ka Socday Golaha Sare ee Sudaan

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday golaha sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal, waxa uuna ku celiyey baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale,soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Suudaan.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale  xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan, oo xilligaan ay ka dhacayaan dagaallo.
Goobjoog NewsM