U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo La Kulmay Ganacsatada iyo Madaxda Bangiga Ziraat

Sheeko:Amniga
Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya dalkeenna.
Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso, waxa uuna tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.