U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Madaxda Jubbalan Kala Hadlay Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaand kaasi oo lagaga arrinsaday bilaabista b dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Jubaland iyo Koonfur-galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shaab.
Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad-goboleedka Jubaland, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana uu kusoo aadayaa xilli maalintii labaad madaxweynaha uu ku sugan yahay Kismaayo.
Goobjoog News