U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Muqdisho Kula Kulmay Qaar Kamid ah Culimada Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo dalka looga  Alshabaab, ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ka saaray deegaanno badan ay kaga sugnaayeen dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka lagula jiro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha.
Xasan Shiikh  ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah fikirka gurracan oo uu sheegay in ay adeehsadaan  Alshabaab uga been abuuranayaan diinteenna suubban ee Islaamka, isagoo xusay gacanta ay ka geysanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.
Culimada Soomaaliyeed ee la kulmay madaxweynaha Dhankooda,ayaa la wadaagay  talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyay howlgallada iyo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Alshabaab.Waxa yna soo bandhigeen sida ay u garab taagan yahiin howlgallada ka socda gobollada dalka.
Goobjoog News