U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegay Iney Xalinayaan Tabashada Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay kulan dadweynaha ay su’aalo toos ah ay ku weydiinayeen madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday khilaafka u dahxeeya dowladda iyo muumulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isaga oo carabka ku dhuftay in la xalin doono.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xalinta arrintaas loo xil saaray guddi madaxweyneyaal dowlad goboleedyo ah, kuwaas oo sedex xubnood ah, waxaana xusid mudan in hore wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalinayo tabashooyinka siyasadeed ee madaxda  ay qabaan sida uu sheegay wasiirka.

“Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”ayuu yiri madaxweynaha oo ka jabaayay su’aal laga weydiiyay khilaafka ka jira.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaan  ka qeyb galin shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashaga qaran ee ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo madaxdu ku heshiisay go’aanno dhowr ah, waxaana madaxweyne Deni uu sheegay in Puntland ay si gaar ah ula kulmi doonto dowladda Federalka ah.

Goobjoog News