U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shuruud Hordhigay Wadahadalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa Wareysi uu siiyay Telefishinka Aljaziira qeybtiisa Carabiga  waxaa uu kaga hadlay arrimo ay kamid  tahay dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab iyo Qadyadda shacabka  Reer Falastiin.

Madaxweynaha ayaa marnaba soo hadalqaadin in mustaqbalka dhow dowladda federalka ah ay wadahadal Al-shabaab ay la gali doono, isaga oo sababta ku micneeyay fikirka ay hoggaanka kooxda ay aaminsan yihiin sida uu hadalka u dhigay, waxaa dhinaca kale uu xusay in ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka tanaasusha.

” Al-shabaab waxaa ku jira dhallinyaro Soomaaliyeed oo aaminsan fikirka qaldan, cid kasta oo kasta oo fikirkaas ka tanaasusha waan soo dhoweynaynaa, waxaana la marsiin doonaa Rabraac” ayuu yiri madaxweynaha mar wax laga weydiiyay in dowladda federalka iyo Al-shabaab ay wada hadli karaan mustaqbalka soo aadan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intii uu socday wareysiga uu la yeeshay Aljaziira, waxaa wax laga weydiiyay qadyadda dadka reer Falastiin, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay, sida dowladaha kale ee Carbeed ee muujiyay halka ay ka joogaan Qadyadda dad reer Falastiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya tan iyo markii dib loo soo doortay 15-kii May 2022, waxaa uu dardargeliyay dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo muddo sanad ku dhow uu xafiiska joogo Al-shabaab laga saaray deegaanno  iyo degmooyin ay ku sugnaayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay .

Goobjoog News