U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Soo Gabagabeeyay Safarkiisii Deegaannada Jubbaland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay safar qaatay sedex maalmood uu joogay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, isaga oo aan booqan gobolka Gedo oo ay ka jirto dood u dhaxeysa maamulka gobolka iyo madaxda Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale bogaadiyay howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo oo taageero ka  helaya kuwa Jubbaland, isaga oo carab ku dhuftay inuu bilowday howlgalka looga soo horjeedo Al-shabaab ee deegaannadaas, bulshada ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb noqdaan dagaalka iyo dib u-dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Af-madoow ee gobolka Jubada hoose taasi oo masaafo ahaan dhan 120 Kiilo mitir oo baahi loo qabay.

Safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada huwanta ah  ay bilaabeen dagaalka ka dhanka al-shabaab ee  deegaannada maamulkaas oo Al-shabaab ay ka joogaan deegaanno iyo degmooyin ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Bu’aale gobolka Jubbada dhexe.

Goobjoog News