U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo War Kasoo Saaray Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii Al-shabaab maanta ay ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” ayuu ku yiri qoraal lagu daabacay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad Goboleed, in ay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalka amni darro ee dhici kara, iyadoo ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay lawareegeen deegaanno badan oo ka tirsan Hiiraan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta Ciidamada Xoogga Dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay Al-shabaab  ay kasoo maleegaan qaraxyada iyo dhibaatooyinka sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maanta sedex qarax ay ka dhaceen magaalada Baladweyne, kuwaas oo ay ku nafwaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo dad shacab ah, waxaana dowladdu amartay in dhaawacyada daran loosoo qaado caasimadda.
Goobjoog News