U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Baaq Diray Kaddib Markii uu La Kulmay Guddiga Amniga Qaran

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee la dagaalanka Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay diyaar garoowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan dagaalamayaasha  Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada kala duwan ee dalka sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna” ayaa yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.
“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna” ayuu yiri gabagabada hadalkiisa maaxweyne Xasan.
Shirka Guddiga Amniga Qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat, u diyaar-garoowga Shirka Golaha Amniga Qaranka iyo qorshaha xasilinta dalka.
Goobjoog News