U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Si Kalsooni Leh Ku Jooga Dhadhaab Oo Yareeya Cabsida Badan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqday xeryaha Dhadhaab oo Kumanaan Soomaaliyeed ku nool yihiin ayaa shacabka ugu baaqay in halkaasi ay ku joogaan si walwal la’aan ah.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in shacabka ay yareeyaan cabsida ah in si qasab looga saari doono halkaasi, islamarkaana dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay mas’uuliyad ka saaran tahay arrimaha qaxootiga.

“Waxaan rabaa inaan kalsooni badan aad ku joogtaan halkaan oo aad hayi kaca, walwalka iyo cabsida aad yareesaana, Labada dowladood waa kuwo mas’uul ah oo aad iyo aad idiin kaga fikatayo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab inay ilaaliyaan shuruucda dalka ay ku nool yihiin ee Kenya.

Ugu Dambeyn Kenya ayuu madaxweynaha uga mahad celiyey dulqaadkii iyo soo dhaweyntii ay u sameysay dadka Soomaaliyeed oo muddo ka badan 20 sano dalkaasi ku nool.

Goobjoog News