U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya Waxay u Baahan tahay Siyaasad Arrimo Dibad oo Qab iyo Caadifado aan ku Saleysnaanin

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlayey madasha Doodsan oo looga hadlayey arrimaha diblomaasiyadda iyo doorashada ayaa ku dheeraaday sida Soomaaliya ugu baahan tahay siyaasadda deggan oo arrimaha dibadda ah, isaga oo intaa raaciyey in xilligiisa aaney jirin dal ay cadow ahaayeen marka laga reebo Iran oo shiiceyn waday.

Mudane Xasan Sheekh waxaa uu sharaxaad ka bixiyey sababta dalal sida Soomalaiya oo kale aan looga baahneyn siyaasad arrimo dibad oo ku saleysan qab iyo caadifad “Duruufaheenna, dal soo kabanaya, oo burbur kasoo baxaya marka ay tahay, siyaasadda arrimaha dibadda aad iyo aad ayey muhiim noogu tahay, li’anuu soo kabashadaas ayey qeyb weyn ka tahay, sida aan iib geyno duruufaheenna iyo baahideenna gudaha ka jirta. Taariikhiyan waxaa la yiraahdaa, dal sida Soomaaliya oo kale burbur ku dhacay, dowladdii ay ka burburtay, ee dowlad fashilantay magaca qaatay, oo hadana dib usoo kabtay, oo galay heerka ah dowlad nugul ama fragile state galay, oo keligiis inta dhibaatooyinkaas oo dhan ka baxay istaagay, oo cagihiisa istaagay ma jiraan, dal kasta oo duruufahaas ay lasoo gudboonaadeen, waxaa soo garab istaagay kaalmo caalami ah, kaalmadaas caalamiga ah mid dalal saaxiibo ah ay siiyeen ha noqoto ama mid multilateral oo dalal isku tagay sida jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa oo siisay ha noqote e, laakin sida badan dalalka burburka ku dhaca keligood iskuma filna iney soo baxaan, innaguna dadkaas Ayaan ka mid nahay, marka maadaama aanan innagu isku filneyn oo aan kaalmo caalami ah u baahan nahay, waxaa u baahanahay oo asal noo ah siyaasad arrimo dibadeed oo aad iyo aad u deggan, dulqaad badan, oo furfuran, soo dhoweyn iyo qadarin badan leh in aan la nimaado ayaa u baahanahay, oo siyaasadeena arrimaha dibadda aaney qab iyo caadifado aaney ku saleysnaanin”.

Madaxweynii hore Xasan oo sii hadlaya “Mar siyaasadaada arrimaha dibadda ay sidaa tahay, waxaad iib geyn kartaa baahidaada, oo aad u iib geyn kartaa si lagaaga aqbalo, dhago ku aqbalo ayaad heleysaa, laakin mugga dalal aad la dirirsan tahay, kuwa aan lala dirirsananeyna ay qofkan dagaalka ku jira bal u kaadi ay is yiraadaan, waxaa ugu adkaanaya inaad saaxiibo caalami ah yeelato, waxaa kuugu adkaanaya inaad kaalmo caalami ah hesho, waxaa kuugu adkaanaya faragelinta middeeda xun aad ka badbaado, inahaas oo dhan ay siyaasadda deggan mihiim ugu tahay”

Xasan Sheekh waa musharax ka tirsan doorashada 2021-ka, isaga oo la tartami doona madaweyne uu si nabad ah xilka ugu wareejiyey.

Goobjoog News