U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Waa lasoo Dhaafay Xilliyadii Qaraaraa Ee Taladeenu Dibadda Noogaga Imaan jirtay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddii uu ka jeediyay furitaanka shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016 ee ka furmay magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay arrimo aad u badan.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in madashaan ay tahay mid ay leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna matalayaan xubnaha shirsan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Seddaxdii Sano ee lasoo dhaafay ay dowladiisu u howlgashay fulinta Hiigsiga cusub ee 2016-ka, arrimo badanna ay u qabsoomeen.

“Mudadii Seddaxda Sano ahayd ee lasoo dhaafay waxaan u howlgalnay Fulinta Hiigsiga 2016-ka, oo ka kooban Seddax tiir oo waaweyn muhiimna ah, Tiirka 1-aad ayaa ah dhismaha Nidaam Federaal ah oo dalka uu yeesho, maanta waxaa inoo dhisan dowlad gobaleedyo matala shacabka intiisa badan, halkaan ayeeyna joogaan, golahaan ayeey fadhiyaan, iyaga oo matalaya shacabkii doortay oo ay wakiilka ka ahaayeen, waxaan rajeynayaa in inta hartayna la dhameystiri doono sida ugu dhaqsiyaha badan oo aan wada tashigaan intaanu dhamaan sanadka dhamaadkiisa iyaguna ay nagu soo biiri doonaan hadii uu Alle Idmo, tiirkaas ka tirsan 2016 meel wanaagsan ayuu soo gaaray, wixii dhameystirkiisa ahna si qurxoon ayeey u dhameystirmi doonaan”

“Tiirka Labaad waxa uu ahaa dib u eegista Dastuurka Federaalka ah oo howshiisa ay socoto, iyadana howshiisa si lixaad leh ayeey u socoto, goor dhawna golaha shacabka iyo dadweynaha billaabi doonaan doodo dib loogu eegayo qeybaha kala duwan ee Dastuurka, maanta wey inoo wada dhisan yihiin hay’adihii inoo wada fulin lahaa howlaha dib u eegista Dastuurka, ee uu tilmaamayay Dastuurkeenii KMG ee maanta jira, waxa noo dhiman waxay tahay inaan boorkana ka qaadno dibna u xaab xaabinno si aan u helno Dastuur dib loo eegay, dadka Soomaaliyeedna danahooda u taagan oo u adeegaya, dhawaan waxaan rajeyneynaa arrintaan in meel fiican oo gunaanad ah soo gaari doonto”

“Tiirka Seddaxaad waxa waaye kan Dimuqraadiyeenta dalka, dalka Soomaaliya waayo dhib badan iyo qaab dowladeed oo dhib badan ayuu taarikhiyan horay usoo maray, meelo badan waxbaa naga murgacaday, si aanay waayo aragnimadaasi oo kale usoo noqon dalka waa in mabaadi dimuqraadi ah iyo dhaqanka dimuqraadiga ah ee aduunyadu taqaano inaan ku dhaqanno oo raacno weeye tiirka Seddaxaad, howsha dimuqraadiyadda dalka iyo doorashooyinka 2016 maanta waxa aynu fadhinno daahfurka wada tashigeeda, arrintaas dimuqraadiyadda waxaa ugu horeeya in dadka ay doortaan dadka matalaya, waqtina ay siiyaan iyo Mandate, marka uu ka dhamaadana mar kale dadka talo loogu noqdo oo la weydiiyo, Soomaaliya muddo fog ayaa ugu dambeysay doorasho inay ka dhacdo, waxaan rabnaa in hadda ay ka dhacdo midda suurta galka ah oo aan isku wada raacsannahay una aragno in danta Soomaaliya ka jawaabayso” ayu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in howlaha hiigsiga 2016-ka ay barbar socotay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u hesiishiin iyo ka shaqeynta amniga.

“Howlaha Hiigsiga 2016, waxaa garab socday sugidda amniga, xureynta deegaanada, dib u dhiska Hay’adaha dowladda, dhismaha ciidamada qalabka sida, dib u heshiisiinta, dib usoo celinta adeegyada bulshada iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, ulajeedadiidu maanta ma ahan inaan faah faahiyo wax qabadkii mudadii lasoo dhaafay, laakiin in aan si guud u dul marno weeye, waxaynu hiigsanay 2016-ka inaan gaarno doorasho, waxaanu hiigsaneynay in 2016-ka aynu gaarno doorasho Hal qof iyo Hal cod ah, laakiin waxaan dhammaanteen isla garwaaqsannay in daruufaheena maanta inoo saamaxayn gaaridda yoolkaasi, hadaba hadii aynu gaari karin sidaas aan jecleen waa inaan sameynaa sida inala gudboon maanta oo aan sameyn karno, Soomaalida waxay ku maahmaahdaa, Salaad sida ay kugu qabato ayaa loo tukadaa, dulucda hadalka aan ka leeyahay waxay tahay inaan ka tashanno maxaa inoo suurta gal ah, innaga oo maanka ku wada hayna inaynu ilaalsanno wixii inoo qabsoomay ee ahaa kalsoonida dadkeena ka dhaxeysa amniga  iyo nabadda soo noqotay inaan iyadana ilaalinno, hay’adaha qaran iyo maamullada inoo dhismay iyaguna inaan ilaalinno, hadii ay ahayd in hal qof iyo hal cod aan gaarno oo daruufo jiro awgood aan gaari weyno waan iska dhaafnay doorasho iyo sheekadeed miyaan leenahay, mise hadba sida ay inoogu qabsoomi karto iyo waxa suurta galka ah ayaan qabaneynaa, waana midda aan maanta u fadhinno inaan ka wada tashanno, hadii aan dib usii eegno oo aan ka wada tashanno xal baa imaanaya, wadaashiga waa billaw maanta, wax walbana maanta in ay ku dhamaadaan marna uljeedaduuna ma ahan” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in xilligaan aan haatan la haysan waqti badan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto waqti dhiman, laguna dhumin is qabqabsi ama fara isku taag.

“Waxaan rabaa inaan walaalaha Soomaaliyeed u sheego, waqtiga aad ayuu noogu yar yahay, mahaysanno waqti badan, qof waa ku doodi karaa waqti badan ayaan soo dayacnay, fursado badan ayaan soo dhuminay, laakiin walaalkaas ama walaashaas waxaan leenahay maanta mid kale yaanan dhumin, muran, dood, is qabqabsi, iyo fara isku fiiq yaan maanta mar kale ku dhumin in waqtiga uu hadana na seego, waxaan jeclahay inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in ay iyadu tahay cidda tashanaysa, go’aankana gaaraysa, waa lasoo dhaafay xilliyadii qaraaraa ee taladeenu dibadda noogaga imaan jirtay, amma dibadda aan u doonan jirnay, maanta waxaan ku tashaneynaa dalka gudahiisa, waxaa tashanayana waa Soomaali, waxa barnaamijyada sameysanaya qaabka loo tashanayo sameysanayana waa Soomaali”

“Wey mahadsanyihiin saaxiibadeena caalamiga ah ee mar walba nala garab taagan taageerada farsamo, midda maaliyeed iyo tan tashkiilaadda ah sidaan wax u qabsan lahayn, aad iyo aad ayaan uga mahad celinaynaa, laakiin dadka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan, maanta tacabka inuu iyaga u go’an yahay howshana iyaga laga rabo” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ballan qaaday hadii ay yihiin hogaanka dalka inay ku dhaqaaqaan fulinta wax walba oo kasoo baxa madasha shirsan.

“Hadii aynu nahay hogaanka dalka, waxaanu ballan qaadeynaa fulinta talooyinka lagu soo gaaro madashaan, wax walba oo madashaan kasoo baxaan waa talo Soomaaliyeed, hogaankuna waa ku qasban yahay inuu raaco taladaasi, hadii aanan rabin, garwaaqsanayn, ballan qaadi karayn markii horeba ma aanay fududeyn lahayn madashaan in la’isugu yimaado”

Madaxeynaha ayaa ka codsay dhammaan xubnaha ka qeybgalaya shirkaan in waxyaabaha aan madasha la xiriirin ee aan madashaasi ahayn in aan halkaasi looga hadlin, oo meelaha kale ee ay leeyihiin looga hadlo.

Shirka madasha wadatashiga doorashada 2016 ee maanta ka furmar magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalaya madaxda sare ee dowladda Federaalka, madaxda maamul gobaleedyada, xubno ka socda gobalada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Gobalka Banaadir iyo xubno matalaya ururada bulshada.

Goobjoog News