U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh: Wax kasta oo gooni iskutaagga taageerayo waan kasoo horjeednaa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomalaiya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Washington kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah iyo qorshayaasha kaga aadan dowladdiisa amniga guud ee dalka iyo wadahadaladda u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa meesha ka saaray in  dowladiisu aqbalayso in Somaliland ay ka go’do dalka intiisa, isaga oo xusay in wax weliba oo dhiira geliya gooni kara iskutaagga Somaliland, marnaba aysan dowladda Soomalaiyeed aqbaleyn, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in laga wada hadlo sidii dib la igu soo laaban lahaa.

“Wax kasta oo gooni iskutaagga promote- gareynaayo, waan kasoo horjeednaa, wixii kasoo haray, haddii development ay tahay, humanitarian haddii ay tahay, trade iyo Business haddii ay tahay investment haddii ay tahay all, aad ayaan usoo dhoweynaynaa, document iyo dal, wixii dowladda federalka  looga baahan yahay, horey waan u sii jirnay haddana waan siinaynaa, laakiin any agenda oo midnimadeenii dhaawacantay sii dhammeystiraayo, what ever uu yahay, ama dhaqaale hanoogu gambadee ama development hanoogu soo gambadee waan diideynaa, mana qarinayno inaan diidanahay” ayuu yiri.

“Waxaan rabnaa walaalaha inaan fursad siino, oo terms-ka aan ku midoobayno xitaa ayaga haka timaado, the way they see fit, inaan dib u midowno haka timaado ayaga, hear an their waan la qaadanaynaa, laakiin annaga xitaa maahan inaan ku qasabno sidaan ayaan u midoobaynaa inaan dhahno, their are two circles  oo kala koreeyo , midka ugu sareeyo waxaa waaye principle inaan isku raacno, dalka waa la isku celinaa waan midoobeynaa, waa mabda’ then waxaa imaanayo sidaan u midoobeynaa, sidaan u midoobeynaa, waxaa laga yaabaa iney years kale qaadato” ayuu yiri isaga oo hadalka siitawo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay sameyso wax weliba oo ay ku qancayaan reer Somaliland, diyaarna ay u yihiin in ay tanaasul ka sameeyaan wax walba, marka laga reebo wixii dhaawac u geysan kara midnimada dalka sida uu hadalka u dhigay, iyadoo ay jirto in Somaliland marar badan raadisay icriraafkeeda.

“Muddadaas la shaqeynayo sidaan u midoobeynaana laga shaqeynayana, waxaan ka shameysanaynaa qaab aan heshiis ku nahay,  oo waliba ayagu ay ku qanacsan yihiin, diyaar ayaan u nahay anagu xitaa xoogaa inaan dulqaadano aan isgaabino, oo iyagu shine-gareeyaan, the end result waa maxay united of Soomaaliya, Bonders, inta Taliyaani ayaa gumaysan jiray intana Ingiriis ayaa gumeysan jiray  wax nakala qeybin karo maahan, wax badan oo na mideynaayo ayaan qabnaa, yaanan ku mashquulin” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa madaxweyne Xasan shiikh oo la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowr jeer la isku fahmi waayay qaabka uu noqonayo wadahadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo mugdi sii galay sanadihii tagay, kadib markii lagu guul dareystay kulamo dhowr ah oo dhex maray dowladdii hore iyo Somaliland, mana jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Somaliland oo ku aadan hadalka kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh.

Goobjoog News