U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Waxaan Raadineynaa Inaan Helno Wax Ay Soomaali Oo Dhan Raali Ka Tahay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shirka magaalada Kismaayo uu noqon doono mid ay kasoo baxdo talo rasmi ah oo ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadkaan, islamarkaana looga tashan doono siyaasadda looga gudbayo sanadkaan 2016-ka.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha inay rajeynayaan inuu shirkaan noqdo kii ugu dambeeyay oo talo wanaagsan ay kasoo baxdo.

“Magaalada Kismaayo waxaa ka socda kullan ballaaran oo looga tashanayo qaabka looga gudbayo 2016, waxaa halkaan isugu yimid hogaamiyayaasha dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada oo dhan, shirkaan waa kii horay loogu ballansanaa in la’isugu yimaado 10-ka bishaan, maanta waxaan rajeyneynaa inuu noqdo kii ugu dambeeyay oo talo rasmi ah oo mustaqbalka umadda Soomaaliyeed wax gal u ah kasoo baxdo, wax Soomaali oo dhan raali ka tahay oo lagu wada qanacsan yahay waaye waxa aynu raadineyno oo aan isugu nimid” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta furi doona shirka madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo, kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aan mid ah oo ku saabsan hanaanka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka 2016-ka, iyadoo lagu kala aragti duwan yahay qaabka loo wajihi doono arrinkaasi.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa qaba aragti ah in qaab degmo wax loo doorto halka Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay doonayaan in la wado nidaamka qabiilka ah.

Goobjoog News