U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Yaan La Dhinac Marin Wixii Lagu Heshiiyey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan ay mareyso howlahaasi.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in guddiyada doorashada laga doonayo iney adkeeyaan mas’uuliyadda saaran, islamarkaana aaney dhinac uga leexan.

“Guddiyada doorashooyinka u xilsaarnay iney maamulaan iyo kuwa aan u xilsaarnay iney xalliyaaan khilaafaadka kasoo baxa doorashooyinka intaba ee heer federaal iyo heer deegaanba leh Labada mas’uuliyadda waa ineysan dhinac uga leexan mas’uuliyadda saaran oo ay ku ad adkaadaan, kalsooni badanna qabaan waan garab taagannahay, waxa ay ku dhowaaqaan iyo go’aanadooda iney meel maraanna waan garab taagannahay” Madaxweynaha ayaa sidaasi yiri.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watey ayaa dhanka kale waxa uu ugu baaqey mas’uuliyiinta iyo maamullada ka jira dalka gaar ahaan goobaha doorashooyinka ay ka dhaceyso iney ilaaliyaan wax walbo oo horey loogu heshiisyey si aaney u imaan dood iyo dib u dhac doorashada ah.

“Mas’uuliyiinta iyo maamullada ka arrimiya deegaannada doorashooyinka ka dhacayaan waxaan leenahay wixii lagu heshiiyey yaan la dhinac marin, wixii lagu heshiiyey haloo raaco sidii loogu heshiiyey oo yaan la dhinac marin, illaa hadda ma jiraan wax naloo soo sheegay, la isugu keen keenay oo la yiri waxaan waa socon la yihiin ee sideen yeelnaa, marka waxaan u qaadaneynaa in wax walbo oo horey loogu hesiiyey socon karaan ama socdeenba waayo xildhibaanno ayaa lagu soo doortey oo dood iyo dacwo aaney ka taagneyn, wixii lagu heshiiyey sidii loogu heshiiyey haloo meel mariyo, haddii aan loo meel marin dacwo iyo dood ayaa ka imaanee waqtina waa ku dhumaa, colaad iyo qalbi xumana waa ka imaanee ee aad iyo aad halooga dhowrsado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashada aqalka hoose ayaa ka socota magaalooyinka Garoowe, Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado, halka Kismaayo lasoo gebogebeeyey doorashada aqalka hoose.

Goobjoog News