U bood dhigaalka

Madaxweyne Xassan Sheekh oo Mar Kale Sheegey in uu Musharax Yahay 2016-ka

Sheeko:Dalka

Hassan Sheikh Mohamud and Martin Lidegaard attend a news conference at the High Level Partnership Forum (HLPF) on Somalia in CopenhagenMadaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markale sheegey in uu yahay musharax u taagan doorashooyinka madaxnimo ee dhacaya 2016-ka.

Wuxuu la hadlay wakaaladda wararka Reuters waxyar kadib markii uu dhamaaday shirkii Copenhagen.

Wuxuu hadalkani imanayaa iyada oo uu khilaaf hareeyey madaxda dowladda kaasi oo la sheegey in uu salka ku hayo qaabka loo wajahayo doorashooyinka sanadka 2016-ka.

Dhanka kale waxa uu sheegey in marka uu sanadkani dhamaado ay guud ahaan dalka ka saari doonin Alshabaab, aysana jirin doonin meel ay Shabaabka heystaan, balse wuxuu qirey in ay suurogal tahay in sidaasi uusan dagaalka ku dhamaan doonin, islamarkaasina shabaabka ay ku dhex milmayaan bulshada, halistoodana wali sii jireyso.

Goobjoog News