U bood dhigaalka

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo Talaadada Imaanaya Muqdisho

Sheeko:Amniga

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa kusoo beegan caasimadda Muqdisho berri oo talaadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu Madoobe berri iman doono halka Puntland ay rajo weyn ka muujiyeen in la filayo inuu berri yimaado.

Labada nin ayaa lagu wadaa iney Muqdisho uga qeybgalaan shir lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war murtiyeedka kasoo baxay guddiga farsamo ee maamul goboleedyada oo Baydhabo isku arkay 15-16-kii bishii hore.

Wararka safarka Madaxweyneyaasha kala soco Goobjoog News