U bood dhigaalka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo la Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mr. Farmaajo wuxuu horay ula kulmay ra’isul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay u yeelan-lahaayeen iskaashi.

Goobjoog News