U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Chad Oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka Chad Hissène habré, ayaa ku geeriyooday kadib muddo Todobaad ah oo uu la xanuunsanaa xanuunka Covid-19.

Hissène ayaa Corona uu ku dhacay Isbuucii hore xilli uu ku jiray xabsi ku yaallo dalka Senagal kadib markii hogaamiyahaan maxkamad ay ku xukuntay Xabsi daa’in.

2016-kii ayaa maxkamadda ay ku xukuntay xabsi xilligaas oo lagu helay in uu dambiyo dagaal iyo dhac uu ka geystay dalka intii u dhaxeysay sanadihii 1982 ilaa 1990.

Xilli uu maxkamadda ka soo hor muuqday ayuu beeniyaya Mr habré, dhamaan eedaha loosoo jeydiyay, isagoo maxkamadda ay si qasab ah xilligaas ku keenen ciidamada.

Guddi baaritaan oo lagu sameeyay Chad kadib markii xilka laga tuuray 1990 -kii ayaa sheegay in dowladiisu ay fulisay ilaa 40,000 oo dilal siyaasadeed ah iyo 200,000 oo kiis oo jirdil ah siddeedii sano ee uu xukunka hayay.

Hissène habré, ayaa dalka Chad maamulayay intii u dhaxeysay sanadihii 1982 illa iyo 1990-kii, waxa uuna hadda ku geeriyooday da’da 79 sano.

Goobjoog News