U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Faroole waxaa diyaarad gaar ah kasoo qaaday dalka Jabuuti, iyadoo markii uu Hargeysa gaaray si weyn ay usoo dhaweeyeen shacab, waxgarad iyo mas’uuliyiin ka mid ah Somaliland.

Qaar ka mid ah waxgaradkii Faroole kusoo dhaweeyay magaalada Hargeysa ayaa u sheegay Goobjoog News, in ulajeedka uu halkaasi u tagay ay tahay arimo qoys.

“Waxaanu halkaan kusoo dhaweynay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu halkaan u yimid arimo ku aadan xaaskiisii lagu dilayay Garoowe oo uu dilay wiilkiisa, marxuumadda ayaa Somaliland kasoo jeeda, isna waa nin sharaf naga mudan, maxaa yeelay isagaba markii uu Madaxweynaha ahaa, waxaan ugu tagnay Garoowe aad buuna inoo sharfay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Somaliland.

Waa markii ugu horeysay oo Cabdiraxmaan Faroole uu ka dego magaalada Hargeysa wixii ka dambeeyay markii uu noqday madaxweynaha Puntland.

Goobjoog News